Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo la kulmay Hoggaamiyihii Ahlusunna ee isu dhiibay dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo shalay  isku dhiibay Ciidanka dowladda.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegay in  looga hadlay dagaalkii maalin kahor Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor-qoor ayaa Ahlusunna Waljamaaca ku amaanay sida wanaagsan ay u muujiyeen tanaasulka, isla markaana waxaa uu Madaxweynaha ka dalbaday Macalinka uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa shalay isku dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb, kadib markii Ciidankii Ahlusunna iyo kuwa dowladda uu dhexmaray dagaal socday in ka badan 38-saacadood.

Dhinaca kale Ahlusunna ayaa shaacisay inay ka tanaasuleen Go’aankii siyaasadda arrimaha Maamulka Galmudug, iyagoona Ciidankii iyo hubkii ay heysteen shalay ku wareejiyay Ciidanka dowladda Federaaklka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor oo la kulmay Hoggaamiyihii Ahlusunna ee isu dhiibay dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this