Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Khartuun

Recommended Posts

Deeq A.   

Magalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan ayaa ka furmay shir ay soo abaabuleen oo ay iska kaashanayeen Urur Gobolleed-ka IGAD iyo midowga Europe, kaasi oo ay ka qayb-galayaan Wasiirada arrimaha dibadda ee xubinta ka ah Ururaasi.

Shirkani waxaa Soomaalia ku Metelayay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Amb. Maxamed Sheikh Isxaaq, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaradaasi Danjire Maxamed Cali Nuur, iyo Diplomaasiyiin ka tirsan Safarada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin, Qorshaha 100 maalmood iyo dib u habeynta Urur Gobolledka IGAD, nabadgelyada iyo Amniga Gobolka, Iskaashiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ,Iskaashiga Cimilada iyo muhaajitiinta.

PUNTLAND POST

The post Shirka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmay Khartuun appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this