Sign in to follow this  
Deeq A.

 Turkiga  oo xuduudiisa furay,in ka badan 30.000 oo qaxootiyana ka horbadhey si ay yurub isagu shubaan+Halkay gaadheen &….

Recommended Posts

Deeq A.   

 Turkiga  oo xuduudiisa furay,in ka badan 30.000 oo qaxootiyana ka horbadhey si ay yurub isagu shubaan+Halkay ka gudbeen

.Suuriyaan qaxoonti ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inuu ka hor baydhayo qaxoonti badan, oo ka gudbi doona xadka ay la leeyihiin Yurub.

Tiradan ayaa la rejaynayaa inay gaadho maalmaha soo aaddan ku dhawaad 30,000, sida uu sheegay

Khudbad uu Madaxweyne Edrogan u jeediyay xildhibaanada ka tirsan xisbigiisa, ayuu ku sheegay in dowladda Suuriya ay ka qoomameeyn doonto dilka ciidammadiisa.

Dalka Giriigga-na wuxuu sheegay inuu xadkiisa uu ka xidhay kumannaan qoxooti sharci darro ah oo dhinaca Turkiga ka soo geli lahaa dalkiisa. Iyagoo sunta dadka kaga ilmaysiisa ku kala eryay dad isasoo buux dhaafiyey xuduudkiisa

.Dadkan ayaa u qaxaya dhankii ay Yurub ka xigtey

Hay’adaha amniga ee xadka Giriigga ku sugan oo doonaya qoxootiga iney xadka soo tallaabaan isla mar ahaantaana soo dhaweyn ka helaan waddamada ay soo gelayaan.

Go’aanka uu Turkiga qaatay ayaa ku soo beegmay xilli Turkiga ku dhawaad 33 Askari waqooyiga Suuriya ee gobolka Idlib ay uga dileen ciidamada Suuriya.

Madaxweyne Erdogan oo xildhibaannada baarlamaanka ka tirsan ee xisbigiisa la hadlayey wuxuu sheegay inuu madaxweyne Putin uu weydiisatay Ruushka inuu danta uu Turkigu ka leeyahay Gobolka Idlib uu ka leexdo si uu Turkiga keligii uu u wajaho dowladda Suuriya.

Gobolka Idlib oo ay ku sugan yihiin kooxaha fallaagada Suuriya.

Xoogagga xukumadda dimishiq oo garabsanaya Ruushka ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxaha jihaad donka iyo fallaagada uu Turkiga taageero oo qayba ka mid ah Idlib gacanta ku haya ay uga qabsan lahaayeen.

Dalka Turkiga waxaa ku sugan qoxooti ka badan 3.7 milion oo isugu jira Suuriyaan iyo qoxooti dalal kale ka soo jeeda sid Afqaanistaan, oo horay looga hor istaagay iney Yurub magangalyo u raadsadaan.

Mr Edrogan wauxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsan qoxootiga iney jabiyeen.

.Greece ayaa sheegay inuu iska joojiyey qaxoonti badan oo kumannaan gaadha

Gobolka Idlib oo ay ku sugan yihiin kooxaha fallaagada Suuriya.

Xoogagga xukumadda dimishiq oo garabsanaya Ruushka ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidi ay kooxaha jihaad donka iyo fallaagada uu Turkiga taageero oo qayba ka mid ah Idlib gacanta ku haya ay uga qabsan lahaayeen.

Dalka Turkiga waxaa ku sugan qoxooti ka badan 3.7 milion oo isugu jira Suuriyaan iyo qoxooti dalal kale ka soo jeeda sida Afqaanistaan, oo horay looga hor istaagay iney Yurub magangalyo u raadsadaan.

Mr Edrogan wauxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen.

Labada hoggaamiye oo khadka taleefanka ku wada hadlay kaddib marki 33 askari Turkiga duqeyn dhinaca cirka ah lagaga dilay gobolka idlib, Wuxuu dilka askarta Turkiga uu dusha ka saaray xoogagga dowladda Dimishiq ee garabsaneya Ruushka.

Wuxuu Sida oo kale Mr Erdogan sheegay inuu albaabbada u furay dhammaan qoxootiga doonaya iney qaaradda Yurub u tallaabaan dalkiisuna uu wixi hadda ka dambeeya u dul qaadaneyn qoxooti tira badan iney ku soo qulqulaan. Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in albaabbada qoxootiga Yurub u tallaabaya uu furay maalmaha soo socdana iney sidaa u sii furnaanayaan.

Maadaamaa Turkiga iyo Eurub heshiiski Brussels ku dhex maray ee looga ballaan qaadayy Turkiga in dhaqaale lagu taageerayo ay sidi la rabay u fulin.

Erdoan wuxuu Ruushka ugu baaqay inuu ka baxo garabka Madaxweyne Bashar Al-ASAD si Turkiga iskii uu tallaabbada ku habboon uga qaado xukumadda Suuriya.

Ruushka iyo Turkiga ayaa dhinacyo isaga soo horjeeda dagaalka sokeeya ee Turkiga kala taageerayey.

Turkiga oo si cad uga soo horjeestay xukumada Bashar al-Asad isla-markaana taageerayey kooxaha hubeysan oo dowladda Suuriya ka soo horjeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this