Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan qorshe ay DF Muqdisho ku keeneyso hoggaanka Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay galab diyaarad gaar ah ka dirtay Muqdisho, taas oo la damacsanaa in lagu soo qaado hogaanka sare ee Ahlu-Sunna, kuwaas oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisul wasaaraha laga amray diyaarada kadibna Genaral Mascuud laga dalbaday in hogaanka Ahlu-Sunna uu ku wareejiyo Farxaan Qaroole balse uu diiday General Mascuud.

Genaral Mascuud oo ay qaraabo yihiin Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud, islamarkaana ay naftooda iyo hantidoodii ku aamineen ayaa dowladda Soomaaliya u sheegay in uusan dhiibi doonin hoggaanka Ahlu-Sunna, haddii la isku dayana ay arrintu isu rogi doonto arrimo qabiil.

“General Mascuud waxa uu madaxda qaranka u sheegay in uusan dhiibi doonin hogaanka Ahlu-Sunna oo heshiiskii ay isku dhiibeen ahaa in uu isaga ilaaliyo, haddii la isku dayana uu dhici doono dagaal kale oo qabiil salka ku haayo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Haramcad oo la hadlay Caasimada Online.

Hogaanka Ahlu-Sunna ayaa doonaya inay kusii nagaadaan Dhuusomareeb, islamarkaana loo ogolaado inay haystaan hub iyo laalo kooban oo ku filan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay hadlaan odayaasha dhaqanka beelaha ay ka soo jeedaan hogaanka Ahlu-Sunna waxayna ka hadli doonaan qorshaha dowladda ay dooneyso in ay Muqdisho ugu ka xeesato culimadaan laga itaalka roonaday ee Ahlu-Sunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this