Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo hortaagan dhismaha madaxtooyada maamul goboleed (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Hal sano kadib wali HirShabelle kuma guuleysan in ay billaabaan dhismaha xarumaha madaxtooyada iyo baarlamaanka HirShabelle oo ay maal gelineysay dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sanadkii hore baajiyay dhismahaas, kadib markii ay u hanjabeen shaqaalihii dhisayay, wadayaasha gaadiidka qalabka soo qaadi lahaa iyo ceelasha biyaha dhismaha bixiya.

Al-Shabaab ayaa dadkaas ugu hanjabay dil, waxaana ilaa hadda aan jirin isku day ku saabsan dhismahaas, iyadoo ay maamulka hore u bur-buriyeen dhismiyaashii hore ee madaxtooyada iyo baarlamanka oo si ku-meel gaar ah loogu shaqeyn jiray.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in HirShabelle ay wadi waysay dhismahaan sababo amni aawgeed waxaana loogu goodiyay qof kasta oo door ku yeesha dhismahaas in la dili doono.

Baarlamanka HirShabelle hada malahan xarun ay ku shiraan waxaana loo kireeyaa hoolka hoteel ku yaalla Jowhar oo qayba ka mid ah dagan yihiin mas’uuliyiinta HirShabelle halka madaxtooyadana laga dhigay xarun ay leedahay hay’ad ka shaqeysa arrimaha beeraha oo ku taala Jowhar.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa sanadkii hore dhagax dhigay dhismaha xarunta madaxtooyada, baarlamaanka iyo xarumo wasaaradood, hase yeeshee waxaa muddo kadib joojiyay dhismaha xarumahaas Al-Shabaab.

Arintaan waxay dhabar jab ku tahay HirShabelle oo sugi la’a amaanka magaalada Jowhar oo ah xarunta uu ku shaqeeyo maamulka HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this