Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo warbixin carro leh kasoo saartay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa caawa markii ugu horeysay war kasoo saaray duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanku ay ka geystaan Soomaaliya.

Warbixinta Al-Shabaab oo carro ay ka muuqatay ayaa lagu sheegay “In duqeymahaas gumaad badan loogu geysto dadka shacabka ah”, iyagoo soo bandhigay tirada dadka shacabka ah ee ay sheegeen lagu dilay duqeymahaas.

Al-Shabaab ayaa shegetay in tiro-koob ay sameeyeen uu muujinayo in “In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, lagu beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn” Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadka weeraradaas lagu dilay ay 37% yihiin beeraley, halka dumarka iyo caruurta lagu dilay weerarada ay yihiin 24.1%, iyo 21.4% oo ah dadka reer miyiga, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiraan caddeymo madax-banaan oo taageeraya tiro-koobka Al-Shabaab, inkasta oo horey loo xaqiijiyey in weerarada Mareykanka ay mararka qaar ku dhintaan dad shacab ah.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in markii lasoo weriyo waxyeello dad rayid ah kasoo gaartay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka ay AFRICOM ku soo jawaabto war-saxaafadeed horay ugu sii diyaarsanaa oo ay ku inkirayaan in dad shacab ah ay wax ku noqdeen howlgalladooda.

“Waxay mar kasta ballan qaadaan in ay baaritaanno ku sameyn doonaan wax yeello soo gaartay dadka rayidka ah, balse taas ma dhacdo oo waxay sii wadaan gabood fallada” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Al-Shabaab ayaa warkan ka soo baxay ku sheegtay in weerarrada uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ay yihiin “kuwo aan kala joogsi laheyn oo lagu beegsado goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo qaysaska, islamarkaana dilo hooyooyinka, caruurta, odayaasha qabaa’ilka, sida ay hadalka u dhigeen.”

AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa mar kasta sheega in inta badan ay weeraradooda ka ilaaliyaan shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this