Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xukun lagu riday nin kufsaday gabar 9 jir ah isaga oo qaba HIV/AIDS

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa go’aankii ugu dambeeyey kasoo saartay xukunka nin ku eedeysan in uu gobolka Mudug kufsi ugu geystay gabar da’ yar oo aan qaan gaarin.

Ninkaan oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi ayaa da’diisa lagu sheegay 36-sano jir, isla markaana la nool cudurka HIV/AIDS.

Mukhtaar ayaa loo heystaa in bilowgii bishii Maarso ee sandkii 2019-kii uu degaanka ka tirsan gobolka Mudug kufsi ugu geystay gabar lagu magacaabo Farax Jaamac Faarax oo da’deeda lagu sheegay 9 sano jir.

Mukhtaar ayaa waxaa horay u xikumay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Mudug , iyadoo maxkamaddu markaas ku riday xukun dil ah iyo magdhaw lacageed oo gaaraya $5,000 Dollar.

Lacagtaas waxaa la sheegay in lagu qiimeeyey mag dhowgii ‘bikra-jebinta’ gabadha dhibanaha ah, waxuuna xikunkaas ka qaatay racfaan.

October 2019-kii ayaa maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, waxa ay burisay xukunkii horay ugu dhacay Mukhtaar, iyadoo ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, iyadoo maxkamadda derejada koowaad ku raacday lacagta magdhawga ah oo gaareysa 5,000 oo dollar-ka Mareykanka ah.

Ugu dambeyntii maxkamadda sare ee maamulka Puntland oo Sabtidii maanta u fariisatay go’aan ka gaaridda kiiska loo geysto Mukhtaar ayaa soo saartay go’aan kama dambeys ah.

Go’aanka Maxkamadda sare ayaa noqday in ay ku raacday kii ay horay maxkamadda Racfaanku ugu riday eedeysane Mukhtaar, kaas oo ahaa 20 sano oo xabsi ah iyo mag dhaw lacageed oo gaaraya $5,000 (Shan kun oo dollar).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this