Deeq A. Posted February 29, 2020 (SLT-Laascaanood)-Ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay isku waydaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in maanta ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan. Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is waydaar-sadeen Somaliland iyo Puntland inay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaadhay dhinacyadan iyo dadka rayidka ah. Source Share this post Link to post Share on other sites