Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Puntland oo madaafiic isku dhaafsaday Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay  isku weedaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in Maanta ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan.

Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is weedaar-sadeen Somaliland iyo Puntland in ay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo la hadlay Ciidamo katirsan Maamulkaas waxa uu kahor sheegay in aysan u dulqaadan doonin weeraro kaga yimid dhanka Somaliland.

Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this