Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo hubka culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Sabtiya hub culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in gelinkii hore ee Sabtida ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaaray Rasaasta laga soo riday dhinaca Somaliland.

Ciidamada labada dhinac ayaa horay dhawr jeer ugu dagaallamay degaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool waxaana mararka qaar halkaasi ka dhaca iska hor-imaadyo kooban.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo hubka culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this