Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Taliban oo Heshiis Nabadeed kala Saxiixanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilo ka kala socda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Sabtiya heshiis nabadeed ku kala saxiixdaan magaalada Doha ee caasimadda waddanka Qatar.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa gaaray magaalada Doha isaga oo ka mid ah xubnaha goobjoogga ka noqon doona munaasabadda saxiixa heshiiskan loogu talogalay inuu fure u noqdo wadahadallo dhexmara kooxda Taliban iyo dowladda Afghanistan oo lagu dhameynayo colaadda dalkaasi.

Heshiiska ayaa sidoo kale yareynaya tirada 13-ka kun ee askari ee Mareykanka ka jooga Afghanistan, tiradaas oo laga dhigi doono 8,600 oo askari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan in ay fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Ka dib 19 sano oo colaad ah, Wadahadallo dhexmara Taliban iyo saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa lagu wadaa iney bilowdaan muddo 10 cisho gudahood ah.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka iyo Taliban oo Heshiis Nabadeed kala Saxiixanaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this