Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
2.png?w=1000&ssl=1

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washinton ee caasimada Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi  uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Caalamka iyo IMF uu u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay talaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this