Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Iyo Taliban Oo Maanta Kala Saxeexanaya Heshiis

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Dawladda Maraykanka iyo Ururka Taliban ayaa goor-dhow kala saxeexaanaya heshiis nabadeed oo astaan u noqon kara dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa, kaasi laba sanno oo wadahadallo ah ka socday caasimada Qadar ee Doha.

Munaasibadda heshiiska ayaa ka dhacaysa Magaalada Doha ee Dalka Qadar, waxaana la rajeynayaa Qadar inay dejiso marxaladda ka bixitaanka ciidammada Mareykanka iyo wadahadallada u dhaxeeya Afghanistan iyo mareykanka si loo go’aamiyo mustaqbalka dalka, iyadoo Diblomaasiyiin ka kala socota wadamada Afghanistan, Mareykanka, India, Pakistan iyo dalal kale oo ka tirsan UN-ka ayaa wadahadallo bilaabay maanta, ayna ku wehliyaan wakiilo ka socda Taliban, kuwaasoo ku shiraya hoteel Sheraton ee Doha.

xa-3-750x430-1.jpg

Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa hadal uu jeediyay ku booriyay dadka reer Afgaanistaan inay ka faa’iideystaan fursadda nabadda iyo mustaqbal cusub oo dalkooda ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob-joog ka noqon doona saxeexa Doha, halka Xoghayaha Difaaca Mark Esper la filayo inuu soo saaro bayaan wadajir ah oo ay kula jirto dowlada Afghanistan ee Kabul.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this