Deeq A. Posted February 29, 2020 Ciidamada ammaanka ee Boosaaso ayaa maanta fashiliyey qarax miino oo lagu aasay xaafadda jidka soddonka ee magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in qaraxaasi miino ciidamadu ay ku guuleysteen in u kala fur fureen si dhib la’aan ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in xogta qaraxaasi ay soo gudbiyeen shacabka, islamarkaana ay wada shaqeyntaasi ay sababtay in laga hortago. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada ammaanka Puntland ay kordhiyeen howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gobolka Bari. View the full article Share this post Link to post Share on other sites