Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo fashilisay miino lagu aasay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Boosaaso ayaa maanta fashiliyey qarax miino oo lagu aasay xaafadda jidka soddonka ee magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in qaraxaasi miino ciidamadu ay ku guuleysteen in u kala fur fureen si dhib la’aan ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in xogta qaraxaasi ay soo gudbiyeen shacabka, islamarkaana ay wada shaqeyntaasi ay sababtay in laga hortago.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada ammaanka Puntland ay kordhiyeen howlgallada amni xaqiijinta ee ay ka wadaan gobolka Bari.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this