Deeq A. Posted February 29, 2020 Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta kulamo looga hadlayo xasiloonida amniga ay ka socdaan degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Kulanmada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa leh saraakiisha cidiamada dowladda ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulamadaas intooda badan diirada lagu saarayo sidii looga hortagi lahaa dhaq dhaqaaqyada ay Jubbaland ka wado halkaasi. Xaaladda gobolka Gedo ayaa maalmihii ugu dambeeyey aheyd mid kacsan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites