Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo toogasho ka geystay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay dil ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha degmada Dharkenley, iyadoona loo geystay nin lagu magacaabi jiray, Cabdiwaaxid Muxumed Yarow.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka laga toogtay qeybaha sare ee jirka, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahisay Internet-ka.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay Cabdiwaaxid uu ka tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaar kood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this