Sign in to follow this  
Deeq A.

Beyle oo la kulmay agaasimaha Fulinta Hey’adda IMF

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washinton ee Carriga Maraykanka ayaa la kulmay Agaasimaha Fulinta Hey’adda lacagta aduunka Kristalina_Georgieva.

Wasiirka oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankaasi  uu la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Lacagta Aduunka Kristalina_Georgieva uu ahaa mid muhiim ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “Waxaan uga mahadceliyay hogaaminteeda wanaagsan iyo dadaalkii ay Hey’adda Lacagta Aduunku ka soo qaadatay dib u habeynta Maaliyaddeena iyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya”

Wasiirka ayaa sheegay in Dhammaan Caalamka iyo IMF aan u xaqiijinayo in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay tilaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbedelka Maaliyadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this