Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray magaalada Khartoum ee Casimada dalka Suudaan.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum ku soo dhoweyey agaasimaha Wasaradda arrimaha debada ee Suudaan u qaabilsan IGAD danjire Cabaas Nuuradiin, danjiraha safaaradda Soomaaliya iyo dibomasiyiinta safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu muddo saddex cisho ah ku sugnaado dalkaas isagoo ka qayb-gali doona shirar Kala duwan oo ka dhacaya wadanka Suudaan.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo gaaray dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this