Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga oo ka wada-hadlaya Xaaladda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa ka wada hadlaya xiisada sii kor dhaysa ee ka taagan gobolka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Suuriya.

Xiisada gobolkaasi ayaa u dhaxeesa dalalka Turkiga iyo Suuriya iyadoona ay sara usii kacday kadib markii in ka badan 30 askari ciidamada Turkiga looga dilay kadib duqeen ay fulisay dowladda Suuriya.

Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ka jawaabtay oo ay beegsatay illaa iyo 200 oo xarumood oo fariisin u ahaa kuwa Suuriya waxaana weerarkaasi Turkigu uu sheegay in ay ciidamada Suuriya kaga dileen in ka badan 300 askari.

Hogaamiyaasha Turkiga iyo Ruushka oo qadka taleefanka kuwada xiriiray ayaana la sheegay in ay isku afgarteen sida wax looga qaban lahaa xiisada sii kordhaysa.

PUNTLAND POST

The post Dowladaha Ruushka iyo Turkiga oo ka wada-hadlaya Xaaladda Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this