Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka Ahlusunna oo isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya  magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay culus oo markii dambe keenay in ay is dhiibaan Hoggaanka Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka xooganaa kuwii shalay gudaha Magaalada ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Intaas kadib Ciidanka dowladda ayaa waxaa u suura-gashay inay gudaha u gaalan Xarunta Inji oo ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Ciidankii Ahlusunna ay bilaabeen inay isku dhiibaan Ciidanka dowladda, iyagoona laga dhigay hubkii ay wateen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyeyaasha Ahlusunna ay isku dhiibeen Ciidamada Dowlada Faderaalka.

Ciidamada ayaa labada hogaamiye ka soo saaray Xarunta Inji oo shalay iyo xalay uu ka socday dagaal Culus, iyagoo la sheegay in Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ay dalbadeen in rasaasta laga joojiyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha Xarunta Inji ay guud ahaan la wareegeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxaa istaagay dagaalo saacado badan qaatay oo halkaas ka socday.

PUNTLAND POST

The post Hoggaanka Ahlusunna oo isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this