Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Burbur xoogan oo ka muuqda xarunta INJI ee hoggaanka Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Burbur xooggan ayaa ka muuqda xarunta INJI ee ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, halkaasi oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Xarunta ayaa waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda, kadib markii ay is-dhiibeen hoggaanka Ahlu-Sunna, hase yeeshee waxaa ka muuqda saameynta dagaalkii qaatay ku dhowaad 10-ka saac ee shalay ka dhacay.

Madaafiic xooggan iyo rasaas ku dhacday xarunta ayaa burburiyey inta badan, waxaana wararka ay sheegayaan in hoobiyeyaal badan ay ku garaaceen ciidamada dowladda.

Dagaalkii shalay ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, ayada oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhinacyada dagaalamay ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

89024201_495480058003351_239907495093469 87941873_495480258003331_604736609796594 88997960_495480321336658_631092191277193 88169087_495480428003314_543558161047486 88210820_495480488003308_186538302340333 88346885_495480528003304_676538094505164 88253792_495480581336632_898152897394717 89039384_495480621336628_533532466992067 87962466_495480664669957_157965280784416 88210798_495480711336619_716831275646504 88175320_495480768003280_764265220451545 87959693_495480814669942_887037568418316

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this