Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, ayada oo uu soo dhamaaday dagaalkii ka socday Dhuusomareeb.

Xarunta INJI, oo ahayd halkii ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, islamarkaana uu shalay dagaalka xooggan ka dhacay ayaa aroortii saaka u gacan gashay ciidamada dowladda oo gudaha galay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa ayaga oo bad qaba laga soo saaray xarunta, waxaana hadda ay ku sugan yihiin oo ay la joogaan guriga madaxweynaha Galmuudg Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Wararka ayaa sheegaya in loo soo duulin doono magaalada Muqdisho, balse ilo-wareedyo ku dhow dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in is-dhiibtaankooda loo dhigi doono hab kale, oo ah inay nabadda qaateen, si loo dejiyo taageerayaashooda.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa shalay sheegay inay doonayaan inay isu dhiibaan ciidamada AMISOM, ama ay tagaan degaanka Huurshe oo ay ku xooggan yihiin taageerayaashooda, balse dalabkaas waxaa ku gacan seertay dowladda.

Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ah wiilka Macallin Maxamuud, horeyna usoo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, oo dhinaca Ahlu-Sunna uga wakil ahaa wadahadalka ayaa dalbaday in haddii ay isu-dhiibayaan ciidanka dowladda loo ogolaado in ay kala-doortaan madaxda ciidanka dowladda.

Wararka ayaa sheegaya inay dalbadeen inay isu dhiibaan Mascuud Maxamed Warsme taliyaha guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee ciidanka Xooggga dalka oo markiisii hore ka soo galay dhinaca Ahlu-Sunna,  islamarkaana muddo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Ahlu-Sunna, kaasi oo xerada kasoo saaray.

Xaaladda magaalada Dhuusomareeb ayaa saaka degan, waxaana xarunta INJI ku sugan ciidanka dowladda, inkasta oo uu ka muuqdo burbur aad u xooggan.

Arrintan ayaa soo geba-gebeeneysa loolankii xooganaa ee muddo ka taagnaa maamulka Galmudug, kaasi oo hadda si buuxda gacanta ugu galay Axmed Cabdi Qoor Qoor, inkasta oo weli uu harsan yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this