Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal mar kale ka qarxay magaaladda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa la sheegay in uu mar kale ka qarxay Dhuusamareeb.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in iska hor-imaadka leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan sidda madaafiicda.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in isku dhaca uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Is-raaseynta dib u bilaabatay ayaa kusoo aadeysa iyaddoo saacadihii hore ee maanta ay magaalada ka dhaceen dagaalo kharaar oo geeri badan sababay.

Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku qabtay doorashooyinka Galmudug, oo natiijada kasoo baxday madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this