Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodax Barre oo dhegax-dhigay dhismaha dugsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (SMN) – Wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Maanta Dhagax-dhigay Dugsi sare oo ay yeelaneyso Degmada Ceel-barde oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Goodax oo uu socdaalkiisa ku wehliyo Xildhibaan; Cabdulwahaab Ugaas Khaliif oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka mahad celiyeen sidii diirranayd ee halkaasi loogu soo dhoweeyay.

Wasiirka Waxbrashada iyo tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya , Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Iskuulkan ay Maanta Dhagax-dhigeen uu ahmiyad weyn u leeyahay Dadka ku dhaqan Degmada Ceel-berde iyo nawaaxigeeda.

Degmada Ceel-berde ayaa lahayd Dugsi hoose dhexe oo kaliya, iyagoo Ardayda halkaasi kasoo baxdana ay waxbarsho sare u doonan jireen Degmada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool iyo meelo kale, waxanay Bulshada halkaasi ku dhaqan aad u bogaadiyeen Dhagax-dhigga Iskuulka cusub ee laga hirgelinayo Ceel-barde.

87992337_2952115058181928_2103257532234465280_n.jpg?_nc_cat=1&_nc_sid=110474&_nc_oc=AQn7kZk7j_kioclwpdB8c7jxVN_w5O3WiqlfFL1tv_Zp3LODhX1YgjWt4U2CzbmOt5M&_nc_ht=scontent-lht6-1.xx&oh=615d1ab3d0e5c64ed2afc622807b1bdc&oe=5EBD83B6Image may contain: 3 people, people standing, crowd, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people standing, shoes and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this