Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay colaadda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka ka qarxay magaaladda Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo daacad u ah ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay iska hor-imaad oo si gaar ah kaga socday nawaaxiga xarunta INJI.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Shabelle in ay maqlayaan daryenka hub culus gaar ahaan madaafiic iyo rasaas kale.

Xaaladda magaaladda ayaa ah mid degan, waxaana jirta cabsi ah in dagaal uu sii xoogeysto maadaama abaabul uu socdo.

Illaa iyo haatan si rasmi ah looma ogga khasaaraha dhinacyadda kasoo kala gaarey dagaalka oo xoogiisa ka socda Dhuusamareeb.

Dhanka kale, ciidamo kale oo daacad u ah Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay weerareen saldhiga booliska Guriceel. Xaalada ayaa degan.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/AAD.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this