Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Amar-dambe oo fariin u diray shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo xasilin lahaa.

Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa.

Dadweynaha ayuu ku booriyey in warbixinadda la xiriira dhanka nabad-gelyadda ay la wadagaan Hay’addaha Amaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Amar dambe ayaa ku nuux-nuux saday in taageerada caalamiga ah ee ciidanka ay korodhay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo uu tababar ugu soo xiray Ciidamo u tababartay Dowlada Turkiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this