Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir ” Ciidamada DF waxay si bareer ah usoo weerareen Xarunta Inji

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Ururka Ahlusunna ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Federalka ay ka wado abaabulka dagaal oo markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Qoraalkan ayaa waxaa loogag hadlay iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna.

“Waxa aan Caddeynaynaa in Ciidamo ka amar qaata DFS ay weerar Bareer ah ku qaadeen Xarunta INJI ay ku sugan yihiin hogaanka ASWJ, taas oo marqaati u ah sida DFS ay ga go’an tahay la dagaalanaka dadkii naf iyo maal u huray ka xoreynta deegaanadaan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka Ahlu sunna.

Sidoo kale qoraalka Ahlu sunna ayaa lagu yir “Waxa aan caddeyneenaa DFS in ay weli wado abaabul ciidan, iyadoo kasoo daabuleyso Muqdisho iyo deegaanno kale si ay dagaal ugu rido Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayna ka been sheegto howlgalada ay ka wadaan Galmudug”.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa degen saaka inkastoo ay weli jirto xiisad ka dhalatay iskahorimaad ka dhacay xalay magaalada Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir

89046118_189777698998084_290330999988525

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this