Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka oo soo celiyay Xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay in ay caadiyeeyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano kadib.

Bankigu waxa uu sheegay inay tani ka dhigan tahay inay fursado u furto dawladda Soomaaliya, fursadahaas oo ay ka mid yihiin inay Soomaaliya hesho deeqaha uu bixiyo Bankiga Adduunka iyo inay wadashaqayn la lahaato dhammaan laamaha Bankiga Adduunka si ay usoo jiidato in Soomaaliya la maalgashado, gacanna looga gaysto degganaansnhaha iyo horumarka waddanka.

Soomaaliya ayaa ka rajo qabta in laga khafiifiyo inta badan daymaha lagu leeyahay iyadoo loo eegayo daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu leeyahay, barnaamijkaasi oo loo soo gaabiyo HIPIC.

Tallaabada Bankiga Adduunka ayaa timid 24 saac kadib markii hay’adda lacagta Adduunka IMF ay iyaduna sheegtay inay heshay yabooh ku filan inay hady’addu dhinaceeda daymaha ka khafiifiso Soomaaliya. IMF wxaay sheegtay inay yaboohaas oo dhan US$334 million ka heshay in ka badan 100 xubnood oo ku jira.

PUNTLAND POST

The post Bankiga Adduunka oo soo celiyay Xiriirkii uu la lahaa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this