Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo ka digay weeraro Argagixiso oo ka dhaca waddanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa looga digay in weeraro argagixiso ay ka dhici karaan caasimada Kenya.

Qoraalka safaarada ah ayaa lagu sheegay in goobaha la beegsan karo ay ka mid tahay yihiin hoteelada waaweyn xarumaha dalxiiska iyo Suuqyada Ganacsiga.

Safaarada Mareykanka ayaa dhanka kale ku boorisay dadka rayidka ah ee tagaya goobahaasi in digniin dheeri ah ay Muujiyaan.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dalka Kenya ay weeraro Argagixiso ka dhacayeen sanadihii ugu Danbeeyay. Malayshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka ayaa sheegtay mas’uuliyada Weeraradaasi.


PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo ka digay weeraro Argagixiso oo ka dhaca waddanka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this