Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin dagaal xalay ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal xalay magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka Somalia  iyo kuwa  Ahlusunna

Dagaalka  ayaa ku bilowday sida la sheegay, markii gaari kasoo baxay xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahlusunna, uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee soomaaliya, sida laga soo xigtay goobjoogayaal

Rasaas in mudo ah socotay ayaa laga maqlayay agagaarka xarunta Inji oo maalmihii u dambeeyey ay go’doon ku ahaayeen hoggaanka sare ee Ahlusunna.

Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 5 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoona dadka ku dhaawacmay dagaalka la dhigay isbitaalka Magaalada Dhuusamareb.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin dagaal xalay ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this