Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka oo 30 sano kadib dib usoo celiyey xiriirkii uu la lahaa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Guddiga Agaasimayaasha Banka Adduunka ayaa shalay si rasmi ah dib ugu soo celiyey xiriirka Banka uu la lahaa Soomaaliya kadib 30 sano.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya siineysa fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka, si ay usoo jiidato maal-gashi caalami ah.

Go’aanka guddiga ee ah inuu dib u aas-aaso xiriirka Soomaaliya ayaa yimid kadib is-beddelo dhowr ah oo maaliyadeed oo ay sameeyeen xukuumadihii kala duwaan ee dowladda federaalka ah ee Somaaliya

“Go’aanka maanta waxa uu dhabbaha u xaarayaa dib u billaabidda rasmiga ah ee howl-galladeena, si Banka Adduunka uu taageerada ug xooggan uguna macquulsan u siiyo dadaallada Soomaaliya ee ku wajahan dib usoo kabashada dhaqaale iyo midda bulsho,” waxaa sidaas yiri Agaasimaha maamulka howl-gallada Banka Adduunka Axel van Trotsenburg.

Axel ayaa sheegay in tani ay tahay natiijada wada-shaqeyn sanado badan soo socota oo ay la lahaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dadaallada dib loogu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, ayaa waxaa soo billaabay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, oo qabatay howsha ugu xooggan ee aas-aaska xiriirada.

Hindise maal-gelin oo cusub oo lagu taageerayo Soomaaliya ayaa waxaa hadda diyaarinaya Banka Adduunka, kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka IDA, waxaana lagu caawinayaa dadka ay abaaraha iyo daadadka ku saameeyeen Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this