Sign in to follow this  
Deeq A.

DAGAALKA SIYAASADEED EE U DHAXEEYA DF IYO DG MA GUUL BAA MISE GUUL-DARRO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadihii la soo dhaafay waxaa is hayey maamul goboleedyada & dowlada federaalka ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Mohamed Abdulahi Farmaajo, waxaana la isku hayey  habka loo wajahayo siyaasada dalka, waxaana fadhiyo badan oo ay yeesheen maamul goboleedya & DF la isku fahmi waayey hanaanka federaalka dalka iyo sidda loo wajahayo.

Arrimaha la isku haysto ayaa salka ku haya dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ee aan dhamaystirnayn, iyadoo meesha aysan ka marnayn siyaasiyiinta soomaaliyeed oo aan u jajabneyn hanaanka dowladnimo iyo u hogaansanaan la’aanta dastuurka dalka…

Tan iyo intii ay bilowdeen isfahan la’aan siyaasadeed oo u dhaxeysay DF iyo Maamul gonoleedyada, waxaa sii saa’idayey kala fogaanshaha labada dhinac, waxaana DF ay bilowday siyaasad adag oo ku hujuumayso maamul goboleedyada, halka Maamul goboleedyadu iyagoo ka duulaya maslaxadooda qaatay go’aan looga soo horjeedo DF sidda labada maamul ee Puntland & Puntland oo bilaabay siyaaasad is gaashaan buuraysi ah si ay isaga difaacaan dharbaaxooyinka siyaasadeed ee uga immaanayey dowlada dhexe.

Khilaafka maamul goboleedyada ayaa soo bilowday mar hore, waxyaalaha la isaga horyimid waxaa asal u ahaa Kheyraadka dalka iyo sidda loo qaybsanaayo, dhismaha ciidamo qaran iyo sidda loo wajahayo iyo dhamaystirka dastuurka dalka, si loo hello dastuur cad oo kala qeexaya waajibaadka iyo awoodaha maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Dowlada faderaalka ee waqtigan uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo,  arrimahaas oo dhan umma arkin in ay dan ugu jirto isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara maamul goboleedyada & dowlada dhexe, maxaa yeelay waxaa ka ratibmaya dood iyo isla xisaabtan dhab ah, kaas oo qaadanaya waqti aad u dheer si ay arrinkaas uga baaqsadaan oo xisaabtanku meesha uga baxo waxay bilaabeen siyaasad ay ilkaha uga siibayaan siyaasiyiinta dowlad goboleedyada hogaaminaya isla markaana lagu bedello kuwo ay dowladu maalgelinayo oo iyaga taageersan. Waxaa kaloo meesha ka cad in dowlada ay hogaaminayaan Madaxweye Farmaajo & Kheyre ay aaminsan yihiin in Federaalku uusan xal u ahayn dalka oo ay ka soo horjeedaan, iyagoo aan tallada ku darsan in dastuura ay diidan yihiin uu yahay kii iyaga lagu dhaariyey oo ay iyagu xukunka ku koreen. Fahanka ay ka qabaan dastuurka federaalka ah oo ay si indirect ah u diidan yihiin waxaa suurtageliyey xildhibaanada federaalka ee Soomaaliya oo noqday kuwo daneystayaal ah oo ku milmay dowlada oo dhaqaale ka dhexsameeya magaalada Muqdisho meeshii ay noqon lahaayeen Xildhibaano dal iyo deegaan matella.

DF ayaa markii ay kala fogaadeen maamul goboleedyada waxay kaloo bilaabeen in ay maalgeliyaan dhanka social media-ha oo ay kula dagaalamayso maamul goboleedyada, si dadka loogu tusiyo in maamul goboleedyadu ay yihiin carqalad loona tusiyo dadka in ay qaran dumis yihiin iyagoo barnaamijkaas ku bixiyey lacago badan.

DF waxay kaloo bilowday in maamul goboleedyada sidda ay u kala tabar yar yihiin ay awoodooda uga wiiqaan. Dowlada Puntland ayaa lagu tijaabiyey oo markaa uu madaxweyne ka ahaa Prof. Caliweli Cali Gaas iyadoo waqtigaas doorashadii Puntland ka dhacday ay DF soo saftay Eng Jebiye iyadoo sidda la sheegay ku kharash gareeyey lacag aand tiro badan, laakiin kuma aysan guulaysan, iyadoo ay ugu wacneyd shacabka Puntland oo feejignaa iyo Madaxweyne C/weli oo aad ulla dagaalamay DF siddii aysan saameyn ugu yeelan siyaasada Puntland, waxaana doorashadaas kusoo baxay Madaxweyne Deni.

Doorashadii ku xigtay waxay ka dhacday Koonfur galbeed oo ahaa maamul tabar yar, waxaana DF u suurta gashay in ay dhardhaarka Wareejiyaan Shariif Xassan oo ahaa waqtigaas madaxweyne kumeel-gaar ah, waxaana la sheegaa in isaga loo balan qaaday lacag uuna aqbalay inuu iscasilo, sababo la xiriira awood yaraan iyo isagoo aan haysan maamul adag iyo dhaqaale uu isaga caabin karaayey dowlada dhexe.

Shacabka K/G kuma faraxsaneyn faragelinta dowlada, waxaana  dhanka kale u hanqal taagayey inuu K/G uu hoggaamiyo Abuu mansoor Roobow oo taageerayaal badan ku haystay K/G, oo baqdin laga  qabey darteed inuu kursigaas ku guulaysto ayaa dowladu bilowday in ay u adeegsato  ciidamo Ethiopian ah si uusan uga qayb gelin doorashada, waxaana DF u suuragashay in ay soo saaraan Laftagareen oo la sheego in ay doorashadiisa ay ku lacag xoogan ku baxday marka la isku darro lacagta isaga lagu soo saaray iyo tii kursiga uu isaga casilay Shariif Xassan.

DF markii ay Puntland ku guuldareysteen, taa bedelkeed ayey  hanteen maamulkii K/G,  waxaa usoo baxday in maamulada kale ay sidaas si la mid ah ay ka samayn karaan..

Doorashaddii ku xigtay waxay kusoo aaday Jubbaland waxaana meeshaas ka bilowday xarig jiid xoogan oo dhexmaray Maamulkii Ahmed Madoobe iyo dowlada Farmaajo.. Madaxda dowlada dhexe marnaba kuma faraxsanayn in Ahmed Madoobe uu mar kale ku soo laabto kursiga sababo la xiriira dhanka awooda iyo isaga oo ah nin aad u adag oo wax walba gorgortan ka galla, halka DF ay doonaysay in ay keeno siyaasi iyaga taageersan ..  Loolankii ka dhacay Jubbaland, taasi waxay keentay in doorasho lagu muransan yahay ay ka dhaco Jubbaland dibna loogu soo doortay  Ahmed Madoobe, waxaana doorashadaas qaadacay DF, halka dowlada Puntland & mucaaradka DF ay taageereen ayna ka qayb galeen caleemo saarkii Ahmed Madoobe..

Soo  noqoshadii maamulkii Ahmed Madoobe, DF waxay bilaabeen in ay ka cunaqabateeyaan maamulkii Ahmed Madoobe  dhanka hawada  taas oo dhalisay in dhibaato xoogan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah, gaar ahaan ganacsatada & dadkii xanuunsan sanaa ee oo dibadaha isku soo daaweyn jiray , waxaana shacabku ay dowlada ka aamineen mid cadow ku ah. Fakirka ay dowladu qaadatay waqtigaas wuxuu ahaa mid sii kala fogeynayey shacabka Jubbland & dowladooda, waxaana arrinkaas dhaleeceeyey axsaabta mucaaradka ku ah dowlada Federaalka iyo Puntland oo sheegay in lagu turtay dastuurkii dalka awoodii dalkana si khaldan loo is ticmaalay.

Sikastaba, dowlada federaalka waa qaadacday doorashadii jubbaland waxayna ku tilmaantay mid aan loo marin hanaan wanaagsan..halka Jubbaland ay ku doodaysay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay maamushaan doorashooyinkooda sidda Puntland, laakiin dowlada looga baahan yahay korjoogteyn.

shacabka Jubbaland inta taageersan maamulka Axmed Madoobe ayaa aaminsan in dowlad sharciya ay mar kale u dhalatay, taasna waxaa keenaysa dowlada federaalka oo aan loo arkeynin mid dhexdhexaad ah target-keeduna uu ahaa in ay soo saarto rag ay iyagu wadato oo aan ka turjumayn rabitaanka shacabka Jubbaland, welina waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Jubbaland iyo dowlada dhexe. Inkasta oo ay jireen siyaasiyiin badan oo mucaarad ah oo DF ay taageeraysay haddana ma ahayn siyaasiyiin saamayn weyn ku lahaa shacabka Jubbaland sidda Ahmed Madoobe.

Waxaan kaloo wax ka taaban doonaa dagaalka siyaasadeed ee hadda ka dhex socda maamul goboleedyada qaarkood iyo DF, ma guuldarro ayuu soomaaliya ku yahay oo waxuu dhabaha u xaarayaa bur bur hor leh haddii siddan lagu sii socdo mise cashar hor leh ayaa laga baranayaa waxaana immaan doona tanaasul siyaasadeed iyo in la dhowro sharciyada dastuurka inta hadda heshiiska lagu wada yahay..

La soco qaybaha soo socda.. oo aan ku eegayno doorashadii Galmudug iyo sidda ay ku soo gababowday iyo heshiisyadii horay u galeen maamul goboleedyada iyo DF sabaha keenay in ay horay u socon waayaan…

Puntlandpost.com

The post DAGAALKA SIYAASADEED EE U DHAXEEYA DF IYO DG MA GUUL BAA MISE GUUL-DARRO? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this