Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya ‘oo kusoo biiray’ xiisadda ka taagan Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xu-xigeenka gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya Cusmaan Nuur Xaaji ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland oo soo gaaray magaalada Beled-Xaawo.

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ciidanka soo gaaray duleedka magaaladda Beled-Xaawo ay yihiin ku dhawaad 50 askari oo lagu soo qaaday gaadiid uu ka mid yahay hal gaari oo kuwa dagaalk ah.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay kusoo biirtay xiisadda iyo abaabulka dagaal ee laga dareemayo gobalka Gedo, ayaga oo gacan siinaya ciidanka Jubaland ee soo gaaray Beled-Xaawo.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay gobalka Jubada Hoose ka soo galbiyeen ciidamada Jubaland, islamarkaan ay soo marsiiyeen deegaano badan oo ay Al-Shabaab maamusho, oo ka tirsan goballada Jubada Hoose iyo Gedo, arrintaas oo uu ku tilmaamay fal ka hor-imaanaya saaxiibtinomada Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha ma sheegin in ciidanka Kenya ay dib uga laabteen Beled-Xaawo markii ay keeneyn kuwa Jubaland iyo in kale.

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa dhinaca kale sheegay inaysan dowladda dhexe ka haysan amar ay uga hortagaan ciidanka Jubaland, waxaana xusay in ciidamada dowladda federaalka ay ku howlanyihiin kaliya sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmada Beled-Xaawo,

Waxa uu sidoo kale xusay inaysan ciidamada Jubaland ee maanta gaaray Beled-Xaawo lahayn awood ay kusoo weeraraan kagana hortagaan ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay in faro-gelinta ay Kenya ku hayso arrimaha Jubaland ay dhaawaceyso xiriirka labada dal.

Magaalada Beled-Xaawo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, halka magaalada Mandhera ee dhanka xuduudda Kenya uu ku sugan yahay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this