Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka Soomaalida Kenya oo amar la dul-dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku amray hogaamiyeyaasha siyaasadda Kenya in ay la yimaadaan qorshe lagu joojinayo weerarada Al-Shabaab.

Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in qorshahaas ay qeyb ka yihiin dadka degaanka.

Warbaahinta ayaa intaas ku dareya in madaxda la siiyey muddo 14 maalmood ah oo ay kusoo gudbinayaan qorshahaas oo tafaasiil dheeraad leh.

Hadaladaan ayaa la tilmaamay in uu Uhuru u sheegay madaxda kadib kulan degdeg ah oo uu la yeeshay madaxda.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Al-Shabaab ay bilooyinkii lasoo dhaafay kordhisay weeraradda ay ka fuliso gudaha Kenya, isla markaana ay dishay dad badan oo shacab ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this