Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo ka kulmay dhiggiisa Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpeg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhiggiisa Dalka Suudaan Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka wadahadlay iskaashi ay wada yeeshaan labada wasaaradood ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartuom.

Kulanka labada wasiir ayaa waxaa goob joog ahaa danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq iyo qeybsanaha ganacsiga ee saafaaradda Yuusuf Axmed Xasan iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa  qeyb ka ahaa wefdi wasiiro ah oo Soomaaliya ku matalaya shirka urur goboleedka IGAD oo ka dhacay Dalka Suudaan.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo ka kulmay dhiggiisa Dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this