Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimashadda dagaalkii Xaaji Cali oo korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaraha ka dhashay dagaal xalay ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tuulada ayaa hoostagta degmada Cadale.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga iyo dagaalameyaasha Macawiisley ayaa ka dhashay askar isku qabsatay khaad.

Tiradda dhimashadda oo kolkii hore ahayd saddex ayaa haatan gaartay afar, waxaana ku biirtay haweenay dhakhtarad ahayd.

Maryan Abuukar ayaa la dhalatay Bashiir Abuukar, gudoomiyaha degaanka Xaaji Cali, sidda uu sheegeen sarkaal ka tirsan Macawiisley.

Cabdullaahi Cismaan Faarax [Carab] oo u waramay idaacadda Shabelle ayaa daboolka ka qaadey in xaaladda ay haatan tahay mid degan.

 

Isku dhacyadda ciidamadda ku dhexmara koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa saameynta ugu daran ay ku yeelataa dadka shacabka ah oo lagu dul-diriro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this