Deeq A. Posted February 27, 2020 Khartoum (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirse Warfaa iyo dhiggiisa Dalka Suudaan , Lena Al-sheikh Cumar ayaa ka wadahadlay iskaashi ay wada yeeshaan labada wasaaradood ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartoum. Kulanka labada wasiir ayaa waxaa goob joog ahaa, danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq, qeybsanaha ganacsiga ee saafaaradda Yuusuf Axmed Xasan iyo saraakiil kale oo ka tirsan labada dhinac. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa, wefdi wasiiro ah oo Soomaaliya ku matalaya shirka urur goboleedka IGAD oo ka dhacay Dalka Suudaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites