Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo jawaab kulal ka soo saartay hadalkii Beesha caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumad Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay war-saxaafadeedyo ay dhowaan soo saareen beesha caalamku oo ku saabsanaa doorashooyinka Soomaaliya.

Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya ay qeyb uga dhigaan Somaliland, midaasi oo ay ku tilmaameen inay tahay talaabooyin ay beesha caalamku ku wiiqayaan xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee Somaliland, ayey xukuumadu kaga jawaabtay War-saxaafadeedkii beesha caalamka ee Somaliland kula xiriiriyeen doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa kale oo War-saxaafadeedka wasaarada loogu digay beesha caalamka inay ku xad-gudbaan qaranimada iyo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyadoona lagu xusay in arrintaasi ay gobolka ku keeni karto cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amniba.

“Dowladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya uga digaysaa inay ku xad-gudbaan Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa talaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri “Dowladda Somaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsantahay in isku-day kasta oo arrintan la xiriira ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni”.

Warkan ay soo saartay Somaliland ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa War-saxaafadeedyo kala duwan oo Beesha caalamku ay ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona dalalka daneeya doorashooyinka Soomaaliya ay ka dhawaajiyeen wax ay ugu yeereen “Nidaamka xulista qoondada kuraasta Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this