Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo gebi ahaanba xirtay qeybaha ugu muhiimsan xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Standard ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa qoray in gebi ahaanba la xiray qeybta ugu muhiimsan xuduudka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayuu sheegay wargeyska inuu hoggaamiyeyaasha Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay dagto Soomaalida kala hadlay xiritaanka xuduuda, waxaana la rumeysan yahay in arrintaan ay salka ku heyso go’aanadii kasoo baxay wadahadalkaas.

Kulanka Madaxweynaha Kenya iyo Hoggaamiyaasha Waqooyi Bari oo ay Soomaalida dagto ayaa waxaa looga wadahadlay qaabka ugu fudud ee looga hortagi karo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa soo jeediyey in qaabka ugu dudud ee weeraradaas looga hortagi karo ay tahay in la xiro xuduuda ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya isla markaasna halkaas la geeyo ciidamo badan oo ilaaliyo xuduuda.

“Ciidamadeenu waxay xireen xadka ugu muhiimsan ee Kenya iyo Soomaaliya…mana jiri doono wixii haatan ka dambeeya weeraro ay argagixisada Al-Shabaab kusoo qaado Kenya,” ayuu raaciyey.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ay saameyn ku yeesheen Siyaadda Arrimaha Bulshada ee hoggaanka Kenya ayna diyaar u yihiin in si deg deg ah looga hortago weeraradaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawr jeer wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarada ay ka geysato gudaha Kenya inta ay Ciidamadaa Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa isna dhawr jeer ku celceliyey inaysan ciidamadooda kala soo bixi doonin Soomaaliya inta laga soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin tallaabada ay Kenya ku xirtay xuduuda labada dal, waxaana labadaan dowladood horey uga dhaxeeyey khilaaf ka dhashay muranka xuduuda Badda ee Somalia iyo Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this