Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Beledxaawo iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimadda Online) – Maamulka  Jubbaland ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland ay u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan magaalada Beledxaawo.

War ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamo hubaysan oo ka baxay Dhooblay ay ku biireen Ciidanka Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay xasilooni iyo daganaansho ku soo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen ciidamo ay Dowladda Soomaaliya diyaarado kusoo daabushay.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Ciidankaan oo ka baxay Dhoobley ayaa sii maray deegaanada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq waxayna ugu dambeyn si nabadgalyo ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamadaan gaaray Magaalada Beledxaawo ayaa kusoo aadayo xilli  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu  maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose halkaas oo uu ka waday olole uu uga hortagayo damaca Dowladda Federaalka ee ah inay xoog ku qabsato Gobolka Gedo.

Inkastoo ciidamada Dowladda Federaalka ay gacanta ku hayaan inta badan deegaanada Gobolka Gedo, haddana waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa ay Dowladda Soomaaliya diyaaradaha ku geysay Gobolka Gedo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda ka taagan Magaalada Beledxaawo waxaad ku ogaan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this