Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 100 dal oo ballan qaaday lacag deynta looga cafinayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 100 dal oo xubno ka ah IMF ayaa ballan qaaday inay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya, sida ay shalay sheegtay IMF.

Ballan qaadkan ayaa u ogolaanaya Soomaaliya in ay hesho lacag cusub oo dalka lagu caawinayo.

Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.

Guddiyada fulinta IMF iyo Banka Adduunka ayaa horaantii bishan ansixiyey in Soomaaliya ay u qalanto in deynta looga cafiyo barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn.

Si ay ugu guuleysato ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa in ay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 100 dal oo ballan qaaday lacag deynta looga cafinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this