Deeq A. Posted February 27, 2020 Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo dowladda Federaalku ku daabushay. Saraakiil ka tirsan Jubaland ayaa laga soo xigtay in Ciidankaa oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ay tiro ahaan gaarayaan 150 Askari islamarkaana Xalay ay ku biireen Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Beled Xaawo Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadaas ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah. Ciidanka oo xalay ka baxay magaalada Dhoobley ayaa la sheegay in ay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan duleedka Beled Xaawo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ciidamo xooggan u dirtay degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites