Deeq A. Posted February 27, 2020 Muqdisho (SMN) – Shirka Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir. Shirkaan waxaa gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Waxaa looga hadlay shirka ololaha canshuur ururinta Furitaanka wadooyinka muhiimka ah si ay shacabka ugu fududaato adeegyadooda. Sidoo kale, waxaa looga hadlay dardar-galinta nadaafadda magaalada, amniga iyo sidii dhismeyaasha ku yaala hareeraha wax looga qaban lahaa. Ugu dambeyntii, Filish ayaa ku amray gudoomiyeyaasha degmooyinka in ay wax ka qabtaan arrintaas, sidda uu sheegay afhayeenkiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites