Sign in to follow this  
Deeq A.

Amar la siiyey madaxda degmooyinka G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Shirka Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaa gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Waxaa looga hadlay shirka ololaha canshuur ururinta Furitaanka wadooyinka muhiimka ah si ay shacabka ugu fududaato adeegyadooda.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay dardar-galinta nadaafadda magaalada, amniga iyo sidii dhismeyaasha ku yaala hareeraha wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyntii, Filish ayaa ku amray gudoomiyeyaasha degmooyinka in ay wax ka qabtaan arrintaas, sidda uu sheegay afhayeenkiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this