Deeq A. Posted February 27, 2020 Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamadda milatariga Soomaaliya iyo kuwa Macawiisley, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Inta la xaqiijiyey afar qof oo ay ku jirto haweenay ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay tirro kale. Dadka dhaawaca ah waxaa lagu waramay in uu kamid yahay sarkaal ciidan kaasoo magaciisa lagu soo koobay Ilkacase. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid markii ay dhinacyadda isku qabteen khaad. Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa looga bartay goboladda dalka, waxaana waxyeeladda ugu badan ay soo gaartaa shacabka lagu dul-diriray. View the full article Share this post Link to post Share on other sites