Deeq A. Posted February 27, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsooni weyn ka muujiyey in la xaliyo tabashadda ka dhalatay doorashadii madaxweyne Qoor-qoor. Xasan Keynaan Xalane, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Galmudug, ayaa sheegay in kulamada lagu raadinayo xalka ay ka socdaan Dhuusamareeb. Dhinacyadda ay ku qancin natiijadda uu guusha ku helay Qoor-qoor ayuu rajeeyay in ay u tanaasuli doonan danta iyo horumarka Galmudug. Mudaneyaasha ayuu hoosta ka xariiqay in ay dhankooda ka wadaan baadigoobka xalka isla markaana uusan kali ku ahayn Qoor-qoor. Labadii bishaan Febraayo ayay ahayd markii Qoor-qoor loo doortay madaxweynaha Galmudug, wallow natiijadaas ay qaadaceen qaar kamida siyaasiyiinta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites