Sign in to follow this  
Deeq A.

Rajo laga muujiyey xalinta tabashada guusha Qoor-qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka Galmudug ayaa kalsooni weyn ka muujiyey in la xaliyo tabashadda ka dhalatay doorashadii madaxweyne Qoor-qoor.

Xasan Keynaan Xalane, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Galmudug, ayaa sheegay in kulamada lagu raadinayo xalka ay ka socdaan Dhuusamareeb.

Dhinacyadda ay ku qancin natiijadda uu guusha ku helay Qoor-qoor ayuu rajeeyay in ay u tanaasuli doonan danta iyo horumarka Galmudug.

Mudaneyaasha ayuu hoosta ka xariiqay in ay dhankooda ka wadaan baadigoobka xalka isla markaana uusan kali ku ahayn Qoor-qoor.

Labadii bishaan Febraayo ayay ahayd markii Qoor-qoor loo doortay madaxweynaha Galmudug, wallow natiijadaas ay qaadaceen qaar kamida siyaasiyiinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this