Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in dowladda Kenya ku sugantahay xaalad Rafasho ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka malayshiyaadka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku sugantahay xaalad Rafasho ah kadib weeraro qorshaysan oo Al-shabaab ka gaysteen gudaha dalkaasi Kenya.

Cali Dheer ayaa soo taxay weerarro waaweyn oo Al-shabaab sannadihii la soo dhaafay ka fulisay gudaha dalka Kenay kuwaas oo uu sheegay in ay filan-waa ku noqdeen dowladda Kenya islamarkaana cabsi iyo walaac baahsan ku abuureen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-shabaab sii wadayso weerarada ay ka gaystaan gudaha waddanka Kenya waxaana uu tilmaamay in loo aar-gudayo dhibaatooyin ay Kenya gaarsiisay shacabka NFD iyo kuwa kale oo ay ka gaysatay gudaha Soomaaliya.

Af-hayeenka Al-shabaab ayaa sidoo kale shacabka NFD ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee ka hawlgala Waqooyi Bari Kenya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in dowladda Kenya ku sugantahay xaalad Rafasho ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this