Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Qambi oo shirkadda Hass raali-gelin ka siiyey eedeyntii lagu fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi ayaa raali-gelin ka bixiyey eedeyn uu shalay u jeediyay Shirkada shidaalka ee Hass, taasi oo uu kula xiriiriyey Jabhado ka jira deegaanada Buuhoodle.

Wasiir Qambi ayaa sheegay in uusan hayn wax cadeymo ah oo muujinaya in Shirkadaasi ay maal-geliso Jabhada SSC ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Muuse Biixi iyo gooni isu-taaga Somaliland.

Raali-gelintan uu maanta bixiyey Wasiirku ayaa waxa ay ku soo aadeysa xili ay Shirkadu si weyn isaga fogeysay eedeymahaasi, isla markaana ay sheegtay inay maxkamad la tiigsaneyso haddii uusan cadeyn arrinka uu shalay ku soo eedeyay.

Cabdirisaaq Ibraahim, Maamulka guud ee shirkada Hass oo eedeyntaasi iska difaacaya ayaa sheegay in Wasiirku uu kula dul dhacay dambi weyn oo aysan wax shaqo ah ku laheyn shirkadoodu.

Waxayna Raali-gelinta wasiirku ay damineysa xiisad cusub oo ka dhex-qaraxday Shirkada Hass iyo maamulka Muuse Biixi, midaasi oo salka ku haysay eedeynta ah inay maal-geliso Jabhado ka soo horjeeda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this